Wednesday, 14 August 2013

Aasaasihii Xerta Jameecoweyn iyo Magaalada Hargeysa

Sheekh Madar -Alle ha u naxariistee- waxa uu ahaa aasaasihii Xerta Jameecoweyn ee dariiqiyada Qaadariyada dhulka waqooyiga ay Soomaalidu degto. Waxa ay Sheekha iyo xertiisu ahaayeen hormoodkii unnuga iyo dhidibada u taagey magaalada Hargeysa oo markaas ahayd ceel loo dhaan yimaaddo iyo keyn jiqa oo lama degaana. Waxay Hargeysi ahayd ceel ay reeruhu geela uun keenaan oo colaado, keyn iyo habardugaag loo degi waayay.

Qormadan aanu sheekha ku xusayno waxa keenaya markii aan si shakhsi ah u gaadhay arrinta ah in magaalada Hargeysi ay tahay magaalada ugu weyn ee Isir Soomaaliyeed aasaasay oo uu magaaleeyey iyadoo aanay cid kale la wadaagin. Hargeyi waa magaalada labaad ee ugu weyn uguna dad badan ee Soomaali degto marka laga reebo Muqdisho. Haddaba Hargeysi waxa ay Xamar kaga duwantahay waa iyada oo Hargeysi ay tahay magaalo dad Soomaali ahi unkeen. Xamar waxa unkay oo magaaleeyey oo dhisay dadka Carabtii Sawaaxilka joogi jirtay ee illaa Zanjibaar ka talin jirtay ee asalkoodu Cumaaniyiinta ahaayeen. Waxana arrintaas marag u ah iyadoo xaafadaha qadiimiga ah ee magaalada Xamar sida Xamarweyne, Shangaani iyo Sheekh Cabdicasiis ay dhammaantood Carabi iska leedahay.

Hargeysi waxa ay ahayd keyn jiqa oo doox dhex maro laguna naanayso Maroodi-jeex maadaama oo uu ku badnaa maroodigu iyo duur joogta kaleba. Waxa u dooxaasi lahaa ceel ay ka cabbaan reer miiga socotada ah ee kolba goobtaas u dhaafayay dhinaca hawdka ama waqooyiga. Hargeysa waxa dusha ka mari jaray wadada isku xidha Berbera iyo Herer oo ahayd waddo ay maraan ganacsiga iskaga gooshaya labadaas magaalo ee Geeska Afrika barigaas muhiimmadda dhaqaale ku lahaa.

Magaca Hargeysi meesha uu ka soo jeedo waa la isku khilaafsan yahay oo dadka qaarkii waxay yidhaahdaan waxa uu ka soo jeedaa: Hargo-geys oo waxay leeyihiin hargaha ayyaa lagu magdin jiray laguna kala iibsan jiray. Tani suurto gal ma aha maadaama oo la isla qirsanyahay in magaalada aan Xerta Sheekh Madar looga degaan horrayn iskaba daa in la ganacsan jiraye. Dadka qaar waxay yidhaahdaan magacu wuxuu ka soo jeeday eray Af Oromo ah oo la macno ah dacar. Waxase ugu saxsan in eraygu uu ka soo jeedo Harar-geys oo macnaheedu yahay meeshii Herer kugu ridaysay ama wadadii Harar loo mari jiray. Waxa kale oo la odhan jiray Harar ama Togga Harar. Haddaad Harar-geys ku celceliso waxa kuu soo baxaya Hargeysa.

Xerta Jameeco weyn waxay ahayd xer raacata kutubta diinta isla mar ahaantana ku walaaloobay waxbarasho, horumar iyo wax wada qabsi ku dhisan iskaa wax u qabso oo laga soo dheegayay dariiqadii Qaadiriyada ee uu markaa Sheekh Madar ka ahaa hormoodka.

Xertu markii hore waxay degtay meel u dhaw tuulada Cadaadley markii dambena waxay u soo guureen xaafada Jameecoweyn oo loogu magac daray xerta isla mar ahaantaan alaga taagey masaajidkii ugu horreeyay ee magaalada Hargeysa laga dhiso. Masaajidkaas oo laga dhisay dhoobo dergad ah oo lagu daray caano geel ayyaa waxa dhismihiisa ka qeyb qaatay xertaas ku walaalowladay Jameecoweyn ee ka koobnayd dhammaan beelaha Soomalida iyo muslimiinta geeska Africa qawmiyado ka mid ah.


Monday, 24 June 2013

Taariikhdii Sheekh Madar:

Sheekh Madar Shirwac waxa uu ahaa aasaasihii magaalada Hargeysa ee imika ah Caasimadda Jamhuuriyadda Soomaalilaand. Waxaana uu ku aasanyahay qudbigiisa ku yaalla xaafadda loogu magac daray ee Sheekh Madar, xaafadaas oo ah xaafadii Laba Nuux ee ay Hargeysi ka bilaabantay.


Sawir laga qaaday Sheekh Madar oo taagan. Waxa sawirka qaaday nin Ingiriis ah.


Sawir dhawaan laga qaaday qudbiga uu ku aasanyahay Sheekh Madar

Sheekh Madar oo fadhiya. Lama garanaya islaanka la taagan.

Aasaaskii Magaalada Hargeysa iyo Sheekh Madar:

Waxa la tilmaama in Sheekh Madar uu magaaleeyey magaalada Hargeysa oo markaa ahayd ceel reer miyigu biyaha u soo doontaan. Wuxuu ka aasaasay xertii Jameecoweyn oo degaamaysay magaalada.


Magaalada Hargeysa. Waa bilawgii 1980aadkii

Hargeysa 2012




Hargeysa 2014